Topnews:Kheyre oo Muxumad Xuseen Axmed u magacaabay Madaxa Unugga Isku Xirka Deeqaha

0
189

Muxumed Xuseen Axmed ayaa loo magacaabay Madaxa Unugga Isku Xirka Deeqaha, kaasoo ka shaqeyn doona arrimaha la xiriira Deeqaha.

Mudane Maxamuud Xuseen Axmed ayaa ah khabiir  Wax ka Badan 10 sano ka soo shaqeeyay Arimaha Gar-gaarka, isagoo la  soo shaqeeyay inta badan Hay’adaha ka shaqeeya Arrimaha Bani’aadanimada sida ku  cad CV-giisa oo aan Noqol kamid ah  helnay.

Unugan  Isku  Xirka Deeqaha (Aid coordination unit- Acu) oo Muddo soo jiray  ayaa u taagan taabba gellinta iyo socod siinta hannaanka fullinta qorshaha Qaranka , waa isku xiraha deeqaha iyo taabba gellinta hannaan ay ku wada hadlaan Soomaaliada iyo deeq bixiya yaasha, kaasoo  ka caawiya Dowladda hannaanka qorshaha Qaranka sida arrimaha xog ururinta iyo loo-jistikada.

Sidoo kale Unugan  Isku  Xirka Deeqaha  waxuu qaban qaabiyaa  shirar kala duwan oo qorshaha Qaranka lagu taabba geliyo sida Hannaanka Wadaagga ee Soomaaliya ( Somalia Partnership Forum) ,Sanduuqa dib u diska Soomaaliya ( SDRF) iyo Shirarka Tiirarka (Pillars)

Uga dambeyn Unugan  Isku  Xirka Deeqaha ayaa Sidoo kale Dawladda waxuu ka caawiya  isku xirka hay’adda dawladda & Gobolada iyo Daba galka Dhaqdhaqaha Deeqaha ( aid  mapping Exercise)