Idalenews:Dhacdadan ayaa xalay ka dhacday xaafada Burdheere ee degmada Waabari, waxaa la sheegay in wiilka uu ku ciyaarayay bastoolad, ka hor inta uusan madaxa isaga dhufan xabad.
Wiilkan ayaa lagu magacaabayay Cadnaan Cabdi Cali oo aabihii uu ka tirsanaa Ciidamada xoogga dalka, sida ay dadka deegaanka sheegeen.
Arrintan ayaa noqotay mid naxdin iyo walaac ku abuurta qoyska wiilka dhalay iyo dadka deegaanka.
Mas’uuliyiin dowladda iyo Qaar ka mid ah Ciidamada ayaa guryahooda ku heysta hub, sida bastoolad, taasoo mararka qaar ay isku dhibaateeyaan qoyska dhexdooda