Top News:Taliyihii Nabad sugidda Degmada Afgooye Oo Dhintay iyo Weerar Xalay Ka Dhacay Degmadaasi

0
204

Muqdisho(INO)-Taliyihii Nabad sugidda ee degmada Afgooye ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray dagaal ka dhacay inta u dhaxeysa Afgooye iyo Mareerey.

yuu yuu

Wararka ay heleyso Saadaal Media ayaa sheegaya in taliyihii Nabad sugidda Afgooye Liibaan Abuukar Yuuyuu uu xalay ku dhintay Isbitaalka Madiina ee Muqdisho.

Dhinaca kale, weerar ayaa xalay ka dhacay degmada Afgooye kaasoo khasaaraha ka dhashay ay ka soo baxayaan warar kala duwan.Qof ku sugan Afgooye ayaa sidan inoo sheegay:

“Meel Koontaroolka magaalada ah ayaa xalay Alshabaab soo weerareen ciidanka dowladda ayaa ku sugnaa cabbaar ayaa rasaasta la maqlayay” ayuu yiri.

Warar madax-bannaan oo aan ka helnay Afgooye ayaa ku warramaya in Alshabaab ay qaateen baabuur ay lahaayeen ciidanka dowladda.

 Idale News Online, Afgooye

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here