Tiyeeglow(INO)-Maamulka degmada Tiyeeglow ayaa daboolka ka qaaday inay wadaan qorshe ay ku furayaan waddooyinka gala degmadaasi.
Guddoomiyaha degmada Tiyeeglow ee Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdalla Xasan “Foodcade” ayaa sheegay in ay diyaariyeen ciidankii ka qeyb qaadan lahaa furitaanka waddooyinka gala degmada Tiyeeglow ee gobalka Bakool.
Wuxuu sheegay in xaaladda ay tahay mid aad u cakiran kadib markii ay soo gali waayeen baabuurta shixnadaha u sida degmadaasi.
Dadka ku nool degmada Tiyeeglow ayuu sheegay in arrintani ay aad u saameysay kadib markii ay ku adkaatay helitaanka waxyaabaha nolosha aas-aasiga u ah.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Tiyeeglow