Muqdisho(INO)-Xildhibaan Qadro Axmed Ibraahim oo ka mid ah Mudanayaasha Barlamanka Soomaaliya ayaa kasoo horjeesatay tirada laga dhigay Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya.
Qadro ayaa sheegtay in tirada Wasiirada oo badan awgeed uusan dalka qaadi karin islamarkaana aan loo heyn dhaqaalo ku filan oo ay ku socod siin karaa howlaha u yaalla Dowladda Soomaaliya.
Wasiirada Xukuumadda ayaa ka kooban 66 Wasiir waxa ay sheegtay Xildhibaanka in loo baahnaa tiro intaasi ka yar.
Dhinaca kale waxa ay Qadro Axmed dhaliishay in Xildhibaanada laga dhigo Wasiiro si aan la isaga dayan taasi oo cuuryaamin karta hanaanka dowlnimo ayey tiri.
Idale News Online, Muqdisho.