Tiro 50 xildhibaano ah oo lagu kordhiyey 225kii Xildhibaan ee horey loo go’aanshey

0
278

Tirada Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa la go’aamiyay in laga dhigo 275-xildhibaan, kaasoo ahaa codsigii ka yimid Odayaasha dhaqanka ee shirka uga socda magaalada Muqdisho

Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Augustine Mahiga ayaa hadalkan kaga dhawaaqay kulanka Odayaasha uga socda magaalada Muqdisho

Khudbad dhinacyo badan taabaneysa oo uu Mahiga u jeediyay Odayaasha dhaqanka ayaa sheegay in madaxda dowladda iyo Xafiiskiisa isku raaceen in tirada Baarlamaanka laga dhigo 275, halka bedelkii hore uu ka ahaa 225.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Ergeyga Qaramada Midoobey oo labadana si wada jir ah uga qeyb galay kulanka ayaa sheegay in aan loo baahneyn in mar dambe uu dib u dhaco shirka ansixinta Dastuurka iyo soo xulista Baarlamaanka.

Odayaasha dhaqanka oo muddo sideetan cisho shir uga socda magaalada Muqdisho ayaa horay u dalbaday in Baarlamaanka laga dhigo 275-xildhibaan oo baarlamaankii Mbgathi lagu soo dhisay, si beelaha Soomaaliyed u kala helaan xuquuqdooda.

Shirka Ansixinta ayaa maanta dib ugu dhacay sababo ku aadan inaan wali soo dhameystirmin ergooyinkii la filayay, iyadoo 25-ka bishan loo qoondeeyay in shirka dhaco