Ololaha loogu jiro qabashada xilka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo duqa Muqdisho ayaa soo xoogeysanaya, iyadoo shirar loogu ololeynayo iyo kuwo ku dalbanaya in taageero ku helaan ay maalmihii u dambeeyay ka socotay magaalada Muqdisho.
Sida ay sheegayaan wararka siyaasiyiin iyo aqoonyahano kala duwan ayaa bilaabay inay araajiyo ay ku dalbanayaan xilkaas u gudbiyaan Xafiiska Madaxweynaha, inkastoo aan si rasmi loo ogeyn cida xilkaas loo magacaabayo.
Inkastoo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Maxamed Axmed Tarsan oo xilkan muddo hayay, aan wali soo bixin wareegto xilka looga qaaday, ayaa hadana waxaa la calaamadeynayaa inay gabo gabo ku dhow dahay qorshaha xilkaas looga qaadi lahaa.
Wararka ayaa intaa ku daraya in xubno ka tirsan beesha Wacbuudhan Abgaal ay aad xusul duub ugu jiraan xilka Gobolka Banaadir iyo duqa Muqdisho, waxaana suuqa soo galay magacyada shaqsiyaad dhowr ah oo la hadal haayo in xilkaas loo magacaabo.
Tarsan ayaa jimcihii hore iska casilay xilka Wasiir kuxigeenka Dhalinyarada iyo Isboortiga oo uu u magacaabay Ra’iisul wasaare C/wali Sheekh Axmed, isagoo sheegay in aan xilkaas lagala tashan, oo aanu xitaa Wasiir dooneyn.
Dad badan oo siyaasada falaqeeya ayaa ku tilmaamay magacaabida xilka Wasiir kuxigeenka uu iska casilay Tarsan inay la macno aheyn in xilkii Gobolka iyo kan duqa Muqdisho laga qaaday, sidaas darteed qof aanu labo xil isku heyn karin.
Si kastaba ha ahaatee dhowaan ayaa la filayaa inuu dhaco is bedel lagu sameeyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Mr Tarsan oo bartamihii sanadkii 2010 xilkan loo magacaabay.