Muqdisho(INO)-Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, ahaana duqii Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegey in nidaamka federaalka ee hadda la wado in uu horseedi doono in dalka uu u kala go’ dowlado yaryar oo midba gaarkeeda u madaxbanaan.
Wuxuu sheegey in isaga uusan kasoo horjeedin nidaamka federaalka, balse inta aanan la hirgalinin ka hor in ay tahay in la’isku raaco waxa la federaalaynayo in ay yihiin adeegyada ama qaranka
“Dariiqa qatarta ah ee aan hadda ku socono waxaa weeye, qarankii baa la federaaleynayaa, marka qaranka la federaaleeyana waxaa weeye , waxaynta taasi ka dhigantahay in dowlad goboleedyada ay hadhoow noqon doonaan dowlad goonideeda u taagan, oo iyada waxa ay rabto samaysanaysa” Ayuu yiri Tarsan.
Isaga oo cabbir ka bixiyey qaabka uu u maleynayo in ay wax noqonayaan ayaa waxa uu yiri “Dowlad goboleedkaasi xuduuda ay la leedahay wadamada kale ma tagi karaan ciidamada dowladda federaalka, waxaa la rabaa in xuduudaha ay illaaliyaan ciidamo dowladda federaalka ay leedahay, “Waxay noqonayaan dowladdo madax banaan oo la sameeyey, marka ay saas noqdaane waxaa dhacaysa in aysan jirin qaranimo Soomaaliya isu keeneysa, dowladdo yaryar oo xuduud la leh dowladdo ajnabi ah, xuduudkaasina ay dowladda dhexe koontaroolin oo ay iyaga koontaroolaan ayay noqoneysaa”.
Waxa uu sheegey in xitaa ay samaynayaan ciidamo “Waxayu noqoneysaa in dowladaasi ay dowlad ajnabi ah heshiis la gasho, waxay noqoneysaa in dowladaasi ay ciidamo samaysato iyo wasiiru difaac, in dowladaasi ay lacag samaysato”.
Waxa tusaale usoo qaatay in uu xitaa maqlay in marka dadka fiisayaasha ay usoo qadanayaan dalka in qofkii u socda Puntland in ay tahay in uu fiisaha weeydiisto Puntland, isaga oo su’aal ka keeney in dowladdii dhexena la wada qeybsado, shaqadeediina aanan la aqbalin “Sidee ku dhici kartaa in dowlad federaal ah oo lagu jiro, oo safiiro lagu wada yahay, oo awoodii la qeybsaday, in la yiraahdo fiisihii uu safiirkaasi soo dhiibey ma soconayo” .
Idale News Online, Muqdisho