Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Generaal Cabdixakiin Daahir Saciid Saacid ayaa maanta kormeer ku tagey Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya halkaasi oo ay ka soconayaan dayactir kadib markii ay weerar qaraxyo ah ay ku qaadeen Xarakada Al Shabaab.
Generaal Cabdi Xakiin Daahir Saciid ayaa isagoo ku sugan xarunta Golaha Shacabka waxa uu la hadlay warbaahinta waxa uuna sheegay in ciidankii Booliska ee ku dagaalamay Xarunta Golaha Shacabka kuwaas oo iska caabiyay dagaalyahanadda al Shabaab inuu Labo darajo dalacsiiyay.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa Xarunta Golaha Shacabka kula kulmay ciidamo ka tirsan booliska kuwaas oo ah Ciidankii fashiliayay weerarkii Al shabaab ay ku qaaday Xaruntaasi islamarkaana uu salaan ka qaatay Ciidanka.
Taliyaha ayaa dhamaan ciidankii difaacay Xarunta Baarlamaanka Dalacsiiyay min Labo Darajo maadaama ay si fiican uga soo bexeen howshooda isla markaana ay sugeen amaanka Baarlamaanka Soomaaliya oo maalintaas halis ku jiray.
Ugu danbeyn Taliyaha ayaa sheegay in ciidankii Booliska ee ku dhintay weerarkii Xarunta Baarlamaanka inuu u xilsaaray Guddi agoonta iyo Xaqsiintooda ka shaqeeya isagoo intaa raaciyay in shaqada Baarlamaanka ay marna istaagi doonin.
Idale News Online, Muqdisho.