Muqdisho(INO)- Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya General Maxamed sheikh Xasan Xaamud ayaa dhalinyarada gobolka Banaadir ugu baaqay iney ka shaqeeyaan sugida amniga.
Taliyaha Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in dhalinyarada loogu baahan yahay in ay la shaqeeyaan Hay’adaha amniga ee dowlada.
Waxa uu tilmaama in ay muhiim in wada shaqeyn wanaagsan ay dhex marto Hay’adaha amniga iyo dhalinyarada gobolka Banaadir.
Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya General Maxamed sheikh Xasan Xaamud ayaa hadalkaani ka sheegay ka dib markii uu Magaalada Muqdisho ugu qeyb galay Kulan loogu hadlaayay isdhexe galka bulshada iyo sida ay u wada shaqeyn karaan Hay’adaha amaanka iyo shacabka.
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay