Iyadoo dhowaan jirtay in Ciidamo ka tirsanaa NISA lagu wareejiyay Booliska Soomaaliya ayaa waxaa markii u horeysay la helay qoraal muujinaya tirada ciidan iyo saanadooda ee la wareejiyay.
Qoraal uu ku saxiixnaa Agaasime kuxigeenka Nabadsugida Fahad Yaasiin oo ku taariikheysneyd 2-dii bishan September ayaa waxaa lagu cadeeyay tirada Ciidamada NISA iyo gaadiid dagaal ee lagu wareejiyay Booliska .
Tirada Ciidamada la wareejiyay ayaa gaaraya 1,522 oo ah Ciidamo hubeysan iyo 206 dharcad ah, sidoo kale tirada hub iyo gaadiid ee la wareejiyay ayaa kala ahaa 13 gaadiid cabdibile saaran yahay qori iyo 12 cabdibile dul banaan ah.
Qoraalka ayaa waxaa ku xusnaa inuu hubka iyo ciidanka wareejiyay Agaasime kuxigeenka NISA oo xilliga la wareejiyay ahaa Kusimaha Agaasimaha iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Jen. Bashiir Cabdi Maxamed.