Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ayaa heshiis ku kala saxiixday magaalada New York ee dalka Mareykanka, xilli uu socdo shirka golaha Guud ee Qaramada Midoobey.
Waxaa heshiiska u saxiixay dowladda Soomaaliya Danjire Abuukar Cusmaan (Abuukar Baalle), waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad halka dowladda Qatar ay goobjoog ka aheyd Marwo Sheikha Moza Bint Nasser oo ah Guddoomiyaha Golaha Xoghayeyaasha Hey’adda Silatech.
Qatar ayaa heshiisyo dhowr ah oo ay horay ula gashay dowladda Soomaaliya weli waxba ka fulin, gaar ahaan mashruuca dhismaha wadada isku xirta Muqdisho-Jowhar iyo Muqdisho-Afgooye, sidoo kale waxaa jiray labo heshiis lagu saxiixay Doxa oo ay goobjoog ka ahaayeen Amiirka Qatar iyo Madaxweyne Farmaajo, kuwaasoo kala ahaa mashruuca adeega duulimaadka iyo iskaashiga dhanka Caafimaadka.