Tahriibayaal Kor udhaafaya 4,600 oo ruux ayaa laga badbaadiyay xeebaha dalka Talyaaniga

0
216

Malta(INO)- Inka badan 4,600 oo ruux oo tahriibayaal ah ayaa laga badbaadiyay xeebaha dalka Talyaaniga seddexdii maalin ee lasoo dhaafay kadib markii doonyo ka raaceen dalka Libya, iyaga oo doonaya iney galaan wadamada ku yaala qaarada Yurub

Maalinti shalay qoraal kasoo baxay dowlada Talyaaniga ayaa lagu sheegay iney sameeyeen ciidamadooda howlgal lagu badbaadiyay 1,123 ruux oo Soomaali ku jiraan kuwaasi oo watay doomo aan wanaagsaneyn.
Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Qaramada Midoobay, tirada dadka tahriibayaasha ah ee doonaya iney gaaraan Yurub ee guul dareystay ayaa ka batay marka lala barbar dhigo seddexdii bil ee ka horeysay, iyadoo ay ugu wacan tahay hawada oo xun.
Dowlada Talyaaniga ayaa labadii todobaad ee lasoo dhaafay shaacisay iney badbaadiyeen tiradii ugu badnaa oo tahriibayaal ah, waxayna dadkaasi badankood u sameeyeen caawinaad dheeri ah.
Maraakiib badan oo ciidamada Talyaaniga leeyihiin oo qeyb ka ah maraakiibta Badda ee Germany ayaa xeebaha Talyaaniga iyo meelaha ka baxsan ka wadda howlgalka Badbaadinta Tahriibayaasha ee loogu magac daray Gabar Soomaaliyeed oo ku dhalatay Badda dhexdeeda xili hooyadeed Tahriib ay ahayd ee Safia.

Idale News Online, Malta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here