Saakow(INO)- Saraakiil sar-sare oo katirsan Ciidamada militariga Kenyaa oo ay soo xiganayaan warbaahinta Maxaliga ah ee Kenya ayaa sheegay in diyaarada dagaalka Kenya ay duqeyn la’eegteen xerooyin tababar oo ay Al-shabab ku lahaayeen gobolka Shabellaha Hoose.
Tani ayaa timid 12 sacaadood kadib markii diyaarado loo maleenayo in Darooniska Mareykanka ay yihiin ay sidoo kale bartilmaameedsadeen fariisimo shabaabku ay koonfurta dalka ku leeyihiin.
Warbixinada hordhaca ah ee la helayo ayaa ku waramaya in dagaalyahano katirsan shababku ay waxyeelo xoogan duqeymahaasi kasoo gaartay inkastoo aan la garan Karin khasaaraha rasmiga ah ee Al-shabab guud ahaan duqeymahaasi kasoo gaaray.
Sidoo kale iyana duqeyn aan kala joogsi lahayn oo xoogan ayaa lasoo sheegayaa in diyaaradaha dagaalka Kenya ay la’eegteen fariisimo ay isla Shababku ku leeyihiin xerooyin kuyaala Gobolka Jubbada Hoose.
Duqeynta Jubbada Hoose ka dhacday ayey saraakiishu leeyihiin waxaa macquul ah inay waxyeelo kasoo gaartay Garabka Al-shabab ee Kooxda DACISH xiriirka laleh ee Al-shababka dhawaan ka goostay.
Dhanka AL-shabab majiro war kasoo baxay oo ay ku xaqiijinayaan ama ay ku beeninayaan Duqeyntan, balse dhowr mar ayey Al-shabab la kulmeen duqeymo Kenya iyo Mareykanka ugaga yimid oo lagu dilay xitaa hogaamiyihii hore ee Al-shabab Axmed Cabdi Godane.
Idale News Online, Saakow