Muqdisho(INO)–AlLe u naxariiste waxa xalay ku Geeriyooday Magaalada Muqdisho Mid ka mid ah Malaaqayadda Beesha Hubeer Malaaq Aadan Xuseen Malaaq, Malaaqa ayaa mudadan ku xanuunsanayay Magaalada Muqdisho.
Meydka Marxuum Malaaq Aadan Xuseen ayaa loo qaaday Degmada Wanle Wayn Ee Gobolka Shabellaha Hoose oo la rabo saacadaha soo socdo in lagu aaso.
Waxaan Ilaahey Ugu baryeynaa inuu Janadii Fardowso ka waraabiyo Eheladiisasa Samir & iimaan Allaah ka siiyo anagana Illaahay nama fidneeyo gadaashiisa. INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN.
Idale News Online, Muqdisho