Baydhabo(INO)-Cali Cumar saciid (Cali Shambow) oo ahaa Aabaha Sportiga Gobalka Baay ayaa Caawa ku geeryoodey Magaalada Baydhabo , Cali Shaambo ayaa mudo gaaban Xanuunsanaa , Waxaana maalinta Berito lagu Aasayaan magaalada baydhabo. Cali Shambo , waxuu kamid yahay Laacibiinta ugu horeysey ee kubad ka cayaarta Degmada Baydhabo , in Mudo ah waxuu kamid ahaa Masuuliyiinta ugu sareyso ee bahda Sportiga ee Gobalka Bay.
Cali Shaambo ayaa ahaa wadani in Badan ka shaqeeyey Nabada iyo isdhexgalka Bulshada , waana waxuu ahaa qof lajaan qaada jiil kasto oo cusub , waxuuna badanaa xalin jirey khilaafka soo kala dhexgala Cayaarooyda Gobalka Baay.
Ina lilaahi wa ina illaahi rajacuun (Ali Cumar Saciid Ali shaambow) waxn ilaah aga baryeeya in illah kutaabkisa madigta kasiyo qabrigiisana wasac aga dhigo insha allah Amiin Amiin Amiin.