Baydhabo(INO)-Kulankan ayaa ahaa mid looga Hadlayey Haamul Wanaaga iyo Tababarka Xirfadaha Computerka Aasaasiga ah ee Dowlada Hoose iyo Shaqaalaha Xafiiska Gudoomiyaha Gobolka ayaa waxaa lagu qabtey Hotel bakiin ee Magaalada Baydhabo.
Kulankan ayaa waxaa aqoon kororsigiisa ka faa,ideystey mas’uuliyiin ka tirsan maamulkaGobolka Bay iyo shaqaalaha Dowlada Hoose Ee Baydhab.
Ugu horeyntii Kulankan ayaa waxaa furey Gudoomiyaha Gobolka Bay C/rashiid C/laahi maxamed isagoo ka Hadley muhiimada kulankan uu u leeyahay Bulshada isagoo sheegey in bulshada Aqoonteeda la kordhiyo ay u Taagan tahay Hormarinta Nabada iyo
Sidoo kale Hormarka Dalka.
Kasoo qeyb galayaashii kulankan oo u waramey websiteka Baay News waxa ay sheegeen in ay u mahad celinayaan hay,ada CPD oo xil iska saartey dhisida iyo tayayeynta Aqooneed Ee Shaqaalaha Dowlada Hoose iyo kan Gobolka Bay
Halkan ka daawo sawirada
Idale News Online, Baydhabo