Waxaa maanta oo Jumce ah 5 shawaal 1435h, ku aadan 01/008/2014 , lagu diley magaalada Moqdisho Sheekh Aadan sheekh Maxamed Deer , oo ka mid ahaa Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya.
Sh.Aden wuxuu ka baxay dugsigii sare ee Jamaal Abdi naasir ee loo yaqaaney iskoolkii ( Allaahi) , wuxuu deeq waxbarasho ka heley Dalka KUWAIT , wuxuu shahaadada MASTER DEGREE oo ah xagga Dhaqaalaha ka soo qaatey OXFORD University oo ku taala Dalka Ingiriiska.
Markii uu soo noqdey Wuxuu shaqo ka bilaabey Bangigii Ganacsiga Soomaaliya ee ku yaaley Muqdisho, wuxuu madax ka noqday laamo kala duwan ee Bangigii Ganacsiga Soomaaliya , wuxuu ahaa Agaasimihii ugu dambeeyey laanta 2aad ee Mogadisho.
Wuxuu soo noqday wasiirkii dib u heshiisinta iyo Jaaliyadaha, wasiiru dowlihii Maaliyada, iyo gudoomiyahii Guddiga Maaliyada ee Barlamanka,
Wuxuu ahaa Xaafidul Quraaan aan Gurigiisa ka soo bixin Subixii ilaa uu akhriyo Wardiigiisa ama Jalaadkiisa Quraan , wuxuu ka mid ahaa xirtii ka soo Aflaxdey Madrasadii Fiqhiga ee Magaalada Diinsoor ee uu hayey Sh.Abdiraxmaan Diinsoor .
Maanta markii la dilayey Wuxuu ku soo noqonayey Gurigiisa isagoo lugeynaya , wuxuuna Salaadi Jumcada ku soo dukadey Masaajidka Marwaas , wuu Soomanaa .
Qof walba waa dhimayaa, laakiin waxaa aad u qiimo badan in Qofku uu Allaah waafajiyo khaatimo fiican .
Maalin Jumca ah , Salaadii uu Tukadey, Sooman yahay .
Ilaahow u naxariiso Dembigiisa dhaaf , Qabrigiisa waasac uga dhig. Wuxuu ka tegeyna Samir iyo Iimaanka sii
Idale News Online.