Dimishq(INO)- Madaxweynaha Dowlada Siiriya Bashar Al Assad ayaa wareysi uu siiyey telefishin laga leeyahay dalka Portugal ku sheegay inuu doonayo inuu xiriir fiican la yeesho dowlada cusub ee Maraykanka.
Bashar Assad ayaa sheegay in uu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo xukuumada Donald Trump, isla markaana doonayo in dowladiisa ay xiriir fiican oo saaxiibtinimo la yeelato maamulka cusub ee Maraykanka.
Donald Trump ayaa xiligii uu ololaha doorashada ku jiray sheegay inuu diirada saari doono la dagaalanka Daacish, arrintaasi oo uu aaminsan yahay Bashar Al Assad inay iska kaashan karaan.
Sidoo kale Trump ayaa horey u sheegay in kooxaha mucaaridka oo uu horey Maraykanka gacanta u siinjiray inuusan la socon kooxahaasi waxa ay yihiin, isagoona sheegay in Ruushka, Dowlada Siiriya iyo IRAN ay yihiin kuwa la dagaalamaya kooxaha argagaxisada sida Daacish. Fikirkan uu qabo Trump ayaa dhiiri gelisay hadalkan kasoo yeeray Bashar Al Assad.