Baydhabo (INO) – Gollaha Odoyaasha Dhaqanka Ee Gobolada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa si cad ugu soo horjeestey burburinta Nidaamka 4.5 iyagona Sheegeen in hadii habkan laga tago ay dhici karto dagaal sokeeye oo dhex qarxa Qabaa’ilada Soomaaaliyeed.
Suldaan Warsame Ibraahim Caliyow Ibrow , Malaaq Shiino C/raxmaan iyo Suldaanka Beesha Biimaal Ayaa si wadajir ah waxay ugu dhawaajiyeen Diidmada in xildhibaanada 2015 Lagu soo Xulo Degmooyinka Dalka, waxayna Dowlada Soomaaliya iyo Madaxda Beesha Caalamka ay ugu baaqeen in ay ka fiirsadaan khatar ka dhalanka karta arintaasi.
“waxaan leenahay umadda soomaaliyeed yaan dhibaato hor leh loo horseedin, wax aan ahayn 4.5 Ma rabno, qabaa’ilo Degmooyinkooda iyaga ku badan ayaa loo diidey inay ka soo tartamaan, qollada hadda u ololeyneyso ayaa boobtey oo sheegatey, hadee sidee degmooyinka looga soo xulaa, Mar hadii dadku degaanadooda loo diidey ayna dada kale isku sumudeen Dowlada iyo Beesha Caalamka Raali ay ka yihiin” ayuu yiri Suldaan Warsame.
Dhan kale Suldaan Beesha Biimaal ayaa ugu baaqey Madaxda iyo Shacabka Koonfur Galbeed Soomaaliya in marnaba aysan ka tanaasulin fikirkooda ah 4.5, isagoona xusey in Maamulada Puntand iyo Jubba ay isku baheysaneyaan Qaab qabiil ayna raadinayaan dhul balaarsi ayna isku sumudeynayaan Degmooyin ka tirsan Gobolada Jubooyinka oo looga tiro badan yahay, waxa kale uu intaa raacey ilaa laga gaaraayo Hal qof iyo hal cod ama tirakoob rasmi ah laga sameeyo Gobolada dalka aysan aqbalin sadbursiyo dheeraad ah oo ay rabaan labadaasi Maamul
“Mas’uuliyiinta iyo Shacabka Koonfur Galbeed Sooomaliya waxaan ugu baaqaya hadii laga tago Nimaadka 4.5 Xitaa ay ku adkeystaan haysashada Diidaamkaasi” ayuu yiri Suldaan.
Ugu damebyntii,Odayaasha Dhaqanka iyo Mas’uuliyiinta Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxay dagaal adag ugu jiraan sidii ay u difaaci lahaayeen Nidaamka 4.5 oo Maamulada Puntland iyo Jubba ay diideen.
Idale News Online,Baydhabo