Masuuliyiinta Gobolka Minisota ee dalka Mareeykanka, ayaa Canbaareeyay Howlgalada Kenya ay kusoo qab qabaneyso dadka Soomaalida ah ee ku nool wadankeeda, gaar ahaan magaalada Nairobi.
Masuuliyiinta Minisota, ayaa soo saaray qaraar ay uga dalbanayaan dowlada iyo Congresska Mareeykanka, ineey codsi u diraan dalka Kenya oo ay ku joojinayaan xad gudubyada ka dhanka ah Soomaalida.
Gudoomiyaha ururka Soomaali Citizen Lead, ahna gudoomiyaha abaabulka Cadaalad u raadinta Soomaalida Kenya Jibriil Afyare, oo wareysi siinayay Idaacada VOA ee Subaxnimo, ayaa waxa uu sheegay in markii ay soo bateen Tacadiyada ay Ciidanka Kenya ku hayaan Soomaalida, ay soo abaabuleen dibad baxyo.
Sidoo kale Jibriil, waxa uu sheegay ineey la kulmeen Madaxda laga Soo doorto Gobolka Minisota, kadibna ay waraaq u qoreen xoghayaha arimaha dibada Mareeykanka John Kerry, taasoo ay uga dalbanayaan, in si deg deg ah dowlada Kenya ay joojiso ku tumashada xuquuqda Soomaalida ku nool dalkeena.
Kenya ayaa 2dii Bilood ee lasoo dhaafay waday Howlgalo bartilmaameedkoodu yahay Soomaalida ku nool dalkeeda, iyadoo si sharci darro ahna dib ugu celisay Soomaali farabadan oo qaarkood ay ku dhasheen dalka Kenya.
Idale News Online,MN.