Maamulka Cornel. Barre Hiraale oo Rajo Xumo Ka Muujiyey Heshiis ay Lagalaan Axmed Madoobe.

0
215

Saraakiisha taageersan Barre Aadan Shire Hiiraale ayaa ka hadlay halka uu ku dambeeyay qorshe lagu doonaayay in ciidamada Barre Hiiraale la geeyo magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. 

Korneyl Maxamed Cabdi Odawaa oo lasoo xiriiray Idaacada Risaala ayaa sheegay inuu dhamaaday rajadii laga qabay inay tagaan magaalada Kismaayo, kadib markii ay is fahmi waayeen odayaal gaaray deegaanka ay ku sugan yihiin si xiisada loo dhameeyo, sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay in odayaashaasi ay ahaayeen kuwo ku socda qaab qabiil oo ay la safteen dhanka Axmed Madoobe ayna ku gacan seereen inay ka qaataan qorshihii ay wateen.

Ugu dambeyntii Maxamed Cabdi Odawaa ayaa sheegay inay ka dalbanayaan beesha caalamka iyo dowladaha ay ciidamada ka joogaan dalka Soomaaliya inay la dagaalamaan dadka wata qorsha qabiil dagaalkana ka wada Soomaaliya, sida uu hadalka u dhahay.

Ra’iisul wasaaraha dalka Soomaaliya ayaa mar sii horeysay gaaray magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose si uu xal kaga keeno dhibaatada kusoo laalaabatay gobolka Jubbada Hoose.

Axmed-Us-Barre3-300x171

Idale News Online, Goobweyne.