Muqdisho(INO)– Hay’adda ( USAID ) ee Dalka Mareykanka oo Sanadkii 1976-kii Lacag Dhan 29 Milyan oo Doollar ku bixisay Mashruuc Waraabineed oo loo samaynayey Dalka Itoobiya Iyadoo Arintaas Looga Gol Lahaa in Lagu Curyaamiyo Laguna oomiyo Soomaalida Beeralayda ah.
Bishii Janaayo Sanadkii 1976-kii ayaa Madaxwayne Maxamed Siyaad Bare Allaha u naxariistee waxuu shiriyay Xubnihii Golaha Sare ee Kacaanka, waxaana laga xaajoonayay Xaashi ama Waraaq Sir Culus ahayd oo laga soo dusiyay Xafiiska Laanta Beeraha Adduunka ( FAO ) ee fadhigeedu yahay Magaalada Roma ee dalka Talyaaniga, warqadda waxay sheegtay in ay Dawladda Maraykanka doonayso in ay biyaha ka jarto Beeraleeda Soomaaliyeed ee ka cabba wabiga Shabeelle iyadoo la adeeg sanayo Mashruuc waraabineed oo loo samaynayo dalka Itoobiya.
Hay’adda horumarinta caalamiga ah ee loo yaqaan ( USAID ) ee dalka Mareykanka ayaa ku yaboohday lacag dhan 29 Milyan oo Doollar, waxaana Washington ugu tala gashay in lagu oomiyo Soomaalida Beeralayda ah, iyadoo mashruuca ay Fulin laheyd Shirkad dalka Israa’iil laga leeyahay,muddo 9 bilood ah ayaana la karinayay qorshaha laga yeelayo mashruucaas ay doonayso Washington in ay ku gumaaddo wax soo saarka Soomaalida iyadoo adeegsanaysa Xeel dheerayaal Yuhuud ah.
Dhamaadkii bishii 9-aad sanadkii1976-kii ayaa waxaa la iiga yeeray Xafiiska Madaxwayne Siyaad Bare, waxay ahayd shaqo dibadeed tii iigu adkayd ee la ii diro,iyadoo ay jirtay inuu ahaa sanadkii ugu horeeyay ee aan soo moogganaa dugsigii ku yaalay magaalada Moscow ee barashada Xeeladaha Ilaalinta Qaranka dalkii midowga soofiyeeti ee Ruushka waana sanadkii 1’aad ee aan si rasmi ah uga hawl bilaabo sirdoonkii soomaaliya ee “NSS ta”.
Qorshe dhamays tiran ayaa gacanta la iiga galiyay, waxaan u dhoofay Magaalada Lagos ee dalka Nayjeeriya oo ka mid ahayd marinadii ama jidadkii Shaar badalashada NSS-tii ama Sirdoonkii Soomaaliya kadibna Magaalada Budapest ee dalka Hungary, halkaas ayaan ka aadey ama ka tagey Magaalada Tel-Aviv markii iigu horaysay waxaana fiidkii Diyaaraddii aan la socday ay caga dhigatay dhabaha diyaaradaha ee “Ben Gurion” waxaan habeenkii u hoyday Huteel aanan haattan xasuusan magaciisa.
Aroortii ayaan doontay guri aan ka shaqo tago waxaana guri ka kooban Jiif, Jiko iyo fadhi isku qoofalan ka helay oo aan ka kireystay dhismaha 37 jidka ama wadada la yiraahdo “Yuushac Binu Nuun” ee magaalada Tel Aviv 3 casho ayaanan intaan fiidkii baxo soo iibsadaa dhawr dhalo oo Khamri ah kadibna intaan suuliga ama musqusha ku qubo ama ku daadiyo ayaan dabadeedna miiska saartaa wax kabasho dhan oo haraa ah anigoo iska dhigaya nin khamriga caba waxaana sidaa u yeelayey haddiiba ay dhacdo in ay soo galaan qolkeyga sirdoonka dalka Israa’iil in ay ii arkaan nin iska tumanaya oo khamriya cab ah.
Waxaan maareeyay inaan la xariiro Shirkaddii qaadatay Qandaraaska oo la yiraahdo Netafim anigoo iska dhigaya nin ganacsade taajir ah oo ka yimid dalka Argantina waxaana ula tagay Tusmada dhul beereed baaxad leh oo ku yaalla Gobolka La Pampas oo 790 KM u jira Xarunta ama caasimada dalka Argantina ee Buenos Aires dhulkaas oo aan sheegay inaan leeyahay ahayna Taajir doonaya in loo sameeyo waraab casri ah dabeedna iyagoo isoo dhawaynaya ayaa la iskaaya baray nin Injineerka biya galinta ka samayn doona dalka Itoobiya waxaanan maalin walba dhawr jeer Telifoon u diraa Sarkaal ka tirsanaa Sirdoonka soomaaliya ee NSSta oo taliska sare ee sirdoonka soomaaliyeed uu Fariisiyay Magaalada San Luis oo aan ka fogayn Beertayda Gobalka ay ku taallo ee dalka Argentina.
Markaan 12 maalmood wada hadal kula jiray shirkadda ayaa waxaan dhaliyay 3 gool iyadoo xogo sirdooon oo muhiim u ahaa dalkeyga hooyo ee soomaaliya aan soo heley anigoo maaggan ama doonaya inaan 2 kale ku daro ayuu ii sheegay sarkaalkii soomaaliyeed ee San Luis joogay in beertii uu cayayaan galay ayna halis ku jirto haddii aan si dhaqso ah loo dawayn inaan la iga maar maynna wuu ii sheegay dabcan hadalkaas wuxuu ahaa in ay dhici karto in la iga shakiyay markaa in ay tahay inaan durba dhoofo sidii ayaana yeelay jidkii dheeraa ee hoyashada ayaan u biyo dhaan saday anigoon ka xumayn in ay laba gool ii hartay Safakii iigu adkaa shaqadii ugu halista badnayd iyo waxay ahayd socdaalkii ugu horeeyay ee aan ku tago dalka Israa’iil wuxuuse ahaa marinka 9 socdaal oo aan ku tagay gadaashii wuxuuna ahaa bilowgii socdaal dheer oo nafo badan galaaftay.
Xoriyaddu waa Ubax , haddaan laga dhawrin cayayaanka ayaa dal dalool u yeella , haddaan dhiig loo daadina …………… . Guriga nabad lagama dareemo hadduusan jacayl dhaba jirin.
W/Q: F. Xiirane Sarkaal hore oo ka tirsanaa Sirdoonkii Soomaaliya sanadihii 1976 – 1991.
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay