Maamulka Somaliland ayaa ku dhawaaqay inay si KMG ah hawadeeda uga mamnuuceyso laga bilaabo maalinta berri diyaaradaha Qaramada Midoobey.
Go’aankan ayaa ka dambeeyay kadib markii ay ka carootay dowladda Soomaaliya oo la wareegeyso maamulka hawada Soomaaliya oo markii hore laga maamulayay xafiis ku yaal Nairobi oo hoos tagayay Qaramada Midoobey.
Wasiirka Duulista iyo Hawada sare ee Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sheegay in diyaaradaha Qaramada midoobey ay si KMG uga xayireen inay hawada Somaliland isticmaasho.
Mr Xaashi ayaa ku eedeeyay Qaramada Midoobey in Soomaaliya ay kala shaqeynayaan inay maamusho hawada, isla markaana aanay iyagu marnaba u hogaansami doonin.
Shalay ayay aheyd markii magaalada Muqdisho lagu saxiixay heshiis dhigayay in 31-December dowladda Soomaaliya la wareegto maamulka Hawada iyo qaadista canshuuraha diyaaradaha hawada mara oo 20-kii sano looga qaadayay xafiis ku yaal Nairobi.
Tallaabadan ayaa loo arkaa mid saameyn karta Somaliland, maadaama aanay wali helin aqoonsi buuxa, iyadoo dowladda Soomaaliya ay arrintan u horseedeyso inay dalka oo dhan ay maamusho.
Idale News Online Mogadishu