Siyaasi”waxaana imaan karta inaan kalsooonida kala laabano shariif xasan”

0
214

Baydhabo(INO)-Mid ka mid ah siyaasiinta soomaaliyeed isla markaana ka soo jeeda gobolka Bay  oo la hadlay warqabadka warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in ay si weyn uga soo horjeedaan hadal ka soo yeeray madaxweynaha maamulka Koonfurta galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan kaa oo ahaa in shir dib u heshiisiin lagu qabto Sh/Hoose.

siyaadvsSharifXasan

Siyaasigan ayaa shaaciyay in haddii madaxweyne Shariif Xasan  uu gogol nabadeed ku dhigo gobolka Sh/Hoose aysan waxba soo dhordhinaynin waxa uuna xusay in  natiijo la’aan uu ku dhamaan doono.

“gogosha  shariif xasan uu dhigayo shabeelada hoose waan ka soo horjeednaa waxaana imaan karta inaan kalsooonida aan kala laabano magaalo madaxda baraawana uusan imaan karin”,ayuu yiri Kuusow Xasan .

Balse Kuusow Xasan ayaa tilmaamay in haddii shirka nabadeed lagu qabanayo gobolka Bay ay soo dhaweynayaan.

Idale News, Baydhabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here