Siyaasiga Muuse Suudi Yalaxow Oo Ka Tacsiyeeyey Geerida Marxuum Xildhibaan AUN Maxamed Ibraahiim Xaabsade

0
493

Muqdisho(INO)-Tan iyo markii magaalada muqdisho uu ku geeriyooday alaha ha u naxariistee marxuum Maxamed ibraahim Xaabsade oo kamid ahaa mudanayaasha baarlamanka Somalia ayaa waxaa isasoo taraya tacsida loo jeedinaayo marxuumka kuwaaas oo ay dirayaan siyaasiyiinta iyo madaxda dowlada Somalia.

muuse-suudi

Siyaasiga Muuse Suudi Yalaxow oo kamid ah siyaasiyiinta somaliyeed islamarkaana xilal ka duwan kazoo qabtay dowladihii KMG ahaa ee dalka soomaray ayaa waxa uu qeyb kanoqday siyaasiyiinta utacsiyeeyay marxuum Maxmed ibraahim Xaabsade waxa uuna sheegay in marxuumka eheladii iyo saaxibadii ay isla shaqeynayeen uu samir iyo iimaan eeba kasiiyo.

 

Dhanka kale siyaasiga Muuse Suudi Yalaxow oo inta badan marxuum Maxmed ibraahi Xaabsade ay iskala soo shaqeyeen dowladihii km gaarka ahaa ayaa waxa u idaacada danan ee magaalada muqdisho u sharaxay waxyaabaha uu kuxasuusto iyo maamuladii ay kuwada kulmeen.

Laha u naxariistee marxuum Maxmed ibraahim Xaabsade ayaa waxa uu kamid ahaa mudanaasha baarlmanka dowlada federaalka Somalia waxana xanuun dhinaca beerka ah ugu geeriyooday magaalada muqdisho waxaana maalinta berito ah loo duulin doonaa magaalada baydhabo si halkaasi aas qaran loogu sameeyo.

 Idale News Online, Muqdisho.