Siyaaseen iyo Xildhibaano Eedeeyey Wasiirka Garsoorka Faarax C/qaadir.

0
187

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Soomaaliya iyo Siyaasiinta ku nool Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Faarax C/qaadir Wasiirka Garsoorka Soomaaliya oo ku tuntay Garsoorkii Dalka Soomaaliya oo Koox gooni ah Gacanta u galiyey.

Teaser Image Siyaaseen iyo Xildhibaano  Eedeeyey Wasiirka Garsoorka Faarax C/qaadir

Xildhibaan Cabdi Bare Yuusuf ayaa sheegay in Garsoorkii  oo awalba liitay uu hada Taladiisa Gacanta u galay Kooxda Xasan Sheikh oo Faarax C/qaadir uu Mas’uul oga yahay.

Cabdi Barre ayaa Xusay in Dal Garsoorkiisii uu sidaas yahay ay adag tahay in uu soo laabto Amaan ahaan iyo Dhaqalo ahaan inta badan sida uu yiri.

Sidoo kale Salaad Cali Jeele oo Dowladdihii KMG ahaa Xilal ka soo qabtay ayaa sheegayin Faarax C/qaadir uu yahay Shaqsi ku Caanbaxay Qabyaalad iyo Musuq maasu islamarkaana aan ku habooneeyn in uu Xil u qabto ummadda Soomaaliyed.

Salaad Cali Jeele ayaa sheegay in Dalka Soomaaliya Garsoorkiisa uu yahay meel hada laga Cararo oo Dadka aysan helin Cadaalad dhankasta ha katimaadee.

Inta badan Bulshada Reer Muqdisho iyo Soomaalida inteeda kale ayaa waxaa ka soo baxaya Cabasho iyo Dhaleeceen ku aadan Gorsoorka Dalka,kuwaas oo sheegaya in Garsoorkii Dalka uu God ku dhacay.

Idale News  online – Xafiiska  Waqabadka Gobolada KG Soomaaliya, Baydhabo Janaay.