Baardheere(INO)— Sirdoonka Soomaaliya eeNISA ayaa sheegay in ciidamadooda qaaska ah ay weerar guuleystay ka fuliyeen saldhig ku yaal degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, halkaasoo ay sheegeen inuu shir uga socday Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.
Qoraalo la soo dhigay barta Twitter-ka eeNISA ayaa lagu sheegay in ciidankooda ay bambaanooyin ku weerareen saldhigii hore ee Baardheere, ayna ku dileen saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.
Halkan Ka Dhageyso.
Warka la soo dhigay barta Twitter-ka ayaa sidoo kale lagu sheegay inay ku dileen weerarkaas Sarkaal magaciisa ay ku sheegeen Yuusuf Xaaji, isla markaana weerarkaas uu jawaab u ahaa weerarkii shalay Al-Shabaab ka geysteen degmada Shibis, gaar ahaan dugsi lagu tababaro Ciidamada Nabadsugida.
Sidoo kale NISA ayaa sheegtay inay jiraan khasaarooyin kale oo Al-Shabaab weerarkaas ku gaarsiiyeen, ciidankoodana ay dib u soo laabteen.
Ma jirto illaa iyo hada war ka madax banaan sheegashada NISA, balse Afhayeenka Wasaaradda Amniga Maxamed Yuusuf oo la hadlay Raadiyaha dowladda ayaa sheegay in howl galkan uu yahay mid qeyb ka ah howl gallo uu sheegay in Ciidamada Ammaanka bilaabeen.
Haddii ay dhab noqoto weerarka ay sheeganayaan NISA waxay noqoneysaa markii u horeysay uu Sirdoonka Soomaaliya weerar ka fuliyo Baardheere ama goob ay ku xoogan yihiin Al-Shabaab.
Idale News Online, Muqdisho