Muqdisho(INO)— Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa saaka ku sii jeeda degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, halkaasoo ay ka socoto howlaha maamul u sameynta Gobollada Dhexe ee Soomaaliya.
Sida ay sheegayaan wararka Guddoomiye Jawaari iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa ka qeyb galaya xaflada dhaarinta ee Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Maamulka cusub ee Galmudug State.
Guddoomiye Jawaari ayaa khudbad ka jeedin doono xaflada dhaarinta Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug, isla markaana uu siiyo talooyin ku aadan waajibaadkooda.
Dhaarinta Xildhibaanada kadib ayaa Baarlamaanka Galmudug waxaa uu yeelan doonaa Shir guddoon KMG ah, inta laga soo dooranayo Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka, waxaana shirka guddoomin doona ninka ugu da’da weyn ee Xildhibaanada.
Degmada Cadaado ayaa waxaa saaka ka socda diyaar garowga xaflada dhaarinta Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug iyo soo dhoweynta Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.
Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa ka socday Cadaado howlaha dhameystirka Maamul dhisida Gobollada Dhexe, iyadoo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay ku howlaneyd howsha ugu badan ee dhameystirka maamulkan, iyadoo dhowaan la soo saaray liiska Xildhibaanada.
Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka, Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa ayaa la filayaa in la qabto labo todobaad gudahood, sida ay shaacisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
Idale News Online, Muqdisho