Norway: Sirdoonka Norway ee loo soo gaabiyo PST ayaa sheegay inay baarayaan wararka sheegaya in nin heystay dhalashada dalkooda uu ka mid ahaa ragii fuliyay weerarkii is qarxinta ee habeen ka hor lagu qaaday hotel ku yaal magaalada Buulo Burde, halkaasoo todobaadkii la soo dhaafay la wareegeen ciidamada wada jir ah.
Ninkan oo magaciisa lagu sheegay C/llaahi Axmed Cabdulle ayaa da’diisa aheyd 60-sano jir Norway ku noolaa, waana ninkii ugu da’da weynaa ee fuliyay weerarada is qarxinta ee Al-shabaab ugu yeeraan Istish-haadiga.
Warbaahinta afka Shabaab ku hadasha ayaa sii deysay wareysi laga qaaday ninkan ka hor inta aanu fulin weerarka, isagoo tix gabay ku cabirayay ujeedka uu u socdo iyo sida uu raaliga uga yahay inuu weerarkaas fuliyo.
Afhayeenka Al-Shabaab Shiekh C/casiis Abuu Muscab ayaa u sheegay warkaalada wararka ee AFP in ninkan da’diisa tahay 60-sano jir, uu dalka u yimid si uu ula dagaalamo cadawga alle, isagoo xusay inuu naftiisa u huray siduu uu Alle ugu dhowaan lahaa, cadawgana u dili lahaa.
Sirdoonka Norway ayaa sheegay inay sii kordhayeen dhalinyarada jihaadka doonka ee ka tagayay dalkaas, kuna biirayay kooxaha Islaamiyiinta.
Afhayeenka Hey’adda Sirdoonka Norway Siv Alsen ayaa u sheegay AFP inay baaritaan ku hayaan wararka la xiriira in nin heysta dhalashada dalkaas oo lixdan jir ahaa uu wax ka fuliyay weerarkii Buulo Burde ka dhacay.
“Si Guud waxaa u aragnaa kororka tirada dadka ka tagaya Norway ee ku biiraya islaamiyiinta”ayuu yiri Siv Alsen.
Xasan Cabdi Dhuxulow oo ahaa Somali Norwegian ayaa ka mid ahaa afartii rag ee ka qeyb qaadatay weerarkii Xarunta Ganacsiga Westgate ee Nairobi lagu qaaday 21-September ee sanadkii hore, halkaasoo ay ku dhinteen 67 ruux.
Sirdoonka Norway ayaa horay u sheegay in C/qaadir Maxamed C/qaadir oo loo yaqaanay Cikrama uu ahaa nin degenaan jiray dalkaas, kadib markii bishii October ee sanadkii hore ay weerar fashilmay ku qaadeen guri uu ka degenaa Baraawe Ciidamada Kumandoska Mareykanka.
Habeen ka hor ayay aheyd markii baabuur walxaha qarxa laga soo buuxiyay habeen barkii lagu weeraray Hotelka Camalow, kadibna rag hubeysan ay tacshiirad ku galeen hotelka, halkaasoo ay ku dhinteen ku dhowaad labaatan ruux oo uu ku jiray Abaanduulihii ciidamada Maxamed Amiin Jeesow.
Idale News Online.