Shirkad Lagu magacaabo Liquid oo dalka Somalia ka hirgalineysa Fiber Optic Cable kordhiya dhaqsaha adeega Internetka

0
218

Shirkada Liquid Telecom oo ah shirkad ka ganacsata isgaasiinta iyo internetka ayaa waxa ay sheegtay in ay dalka Soomaaliya ka hirgelinayso adeeg Internet casri ah oo tayo leh.

Liquid Telecom ayaa waxa ay heshiis la gashay shirkada isgaariinta Hormuud si loo keeno dalka Soomaaliya adeega loo yaqaan Fibre Optic Cables taasoo ah adeeg ay 11 dal oo ku yaal qaarada Afrika ay ka faa’ideystaan.

Shirkada Liquid ayaa hore waxa ay uga hirgelisay adeeg internet ah oo satellite ah, balse adeegaan ayaa ah mid ka awood badan tii hore.

Madaxa shirkada Liquid oo xarunteedu tahay dalka Mauritius Nic Rudnick ayaa u sheegay Wakaalada Wararka ee Reuters “Haddii uu jiro meel aan adeeg Internet lahayn waa halka na soo jiidaneyso,”

Soomaaliya oo leh mid kamid ah xeebaha ugu dhaadheer ee Afrika ayaan ka faa’ideysan saddexda cable ee badda marta. Waxayna dhamaantood tagaan dalka Kenya halkaas oo ah meesha ay shirkada Liquid dooneyso in ay ka siiso Soomaaliya qadka intenetka ah ee loo yaqaano Fiber Optic.

fiberoptic

Shirkadda ayaa waxa ay leedahay qeyb ka mid ah East African Marine System, halka ay awood u leedahay dhammaan shirkadaha kale ee badda hoosteeda mara.

Liquid ayaa waxa ay xiriir la leedahay illaa iyo 16 dal oo ay ka mid yihiin Democratic Republic of Congo, Rwanda iyo Zimbabwe.

Rudnick ayaa waxa uu sheegay in shirkadiiu ay ku qarash gareyn doonto illaa $250 million labada sano ee soo socta iyadoo magaalooyin badan oo Afrikan ah ay geyneyso adeega Internetka