Kismaayo(INO)— Shirka Madasha Wada Tashiga Qaran ee geeddi socodka hanaanka doorashooyinka sanadkan 2016 ayaa goor dhow la filayaa inuu ka furmo magaalada Kismaayo, iyadoo shirkan afartii maalmood ee la soo dhaafay uu dib u dhac ku imaanayay.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu shirka furmo, kadib markii uu shalay gaaray magaalada Kismaayo.
Kulamo gaar gaar ah ayaa xalay u socday Madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada, iyagoo ka arrinsanayay qodobada adag ee shirka looga hadli doono, waxaana shirarkaas qeyb ka ahaa xubnaha Beesha Caalamka.
Madaxda shirka ka qeyb galeysa ayaa ku kala aragti duwan nooca doorasho ee dalka ka dhici karta, iyadoo laga yaabo in shirka uu hareeyo labada qodob ee la isku mari la’yahay, kuwaasoo kala ah qaab deegaan in lagu soo xulo Baarlamaanka iyo in lagu soo xulo nidaamka 4.5 oo soo socda ka soo bilow sanadkii 2000.
Wariyeyaasha ku sugan Kismaayo ayaa sheegaya inay adag tahay in Madaxda shirka ka qeyb galeysa ay gaaraan is afgarad rasmi ah, marka la eego heerka uu taagan yahay kala aragti duwanaanshahooda.
Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas iyo rafiiqiisa Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa labadaba ku dhegan in Baarlamaanka lagu soo xulo hab deegaan, gaar ahaan degmooyinkii gobolada ee ka horeeyay 1991.
Sidoo kale Madaxweynaha Galmudug, Koofur Galbeed iyo madaxda kale ayaa iyana qaba in lagu soo xulo habka 4.5.
Si kastaba ha ahaatee shirka ayaa laga yaabaa inuu maalmo socdo, maadaama labadaas qodobo lagu kala aragti duwan yahay, lamana oga sida xaal noqon doono, hase ahaatee waxaa lagama maarmaan noqon doonta in dhinac uu tanaasulo, si shirka Kismaayo uga soo baxo hanaan doorasho oo la isku raacsan yahay.
Idale News Online, Kismaayo