Shirka Madasha Wada-tashiga Qaran oo maalintii labaad galay

0
225

Muq(INO)— Shirka Hoggaamiyeyaasha Madasha Wada-tashiga Qaran ayaa maalintii labaad galay, iyadoo laga sugayo in Madaxda isku raacaan waqtiga kama dambeysta ee ay la qabanayo doorashada Madaxweynaha iyo Guddoonka Baarlamaanka oo la qorsheynayo in bishan gudaheed ay dhacdo.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa soo jeediyay in doorashada aanay dhaafin bishan gudaheed, sidoo kale waxaa ay ku taliyeen in la xaliyo caqabadaha iyo tabashada taagan.

Shirkii shalay oo ay goob joog ka ahaayeen wakiilada Beesha Caalamka ayaa looga hadlay sida lagama maarmaan u tahay in doorashada aanay dhaafin sanadkan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inay go’an tahay in doorashada dhamaadka bishan la qabto, waxaana uu ugu baaqay maamulada kale inay dhameystiraan hanaanka doorashada ee Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare.

Arrinta ugu weyn ee shirka laga sugayo in xal looga gaaro ayaa ah, muranka Puntland iyo gobollada Waqooyi ee ku aadan Aqalka Sare, waxaana Puntland ay dooneysa inay hesho saami ka badan tii ay xaqa u laheyd.