Shirka Culumada oo kasoo baxay in Al-shabaab aan la taageeri karin lagana mid noqon karin. DAAWO SAWIRADA

0
191

Shirkaasi culamaa’uddiinka Soomaalida maalmahani uga socdey magaalada Muqdisho waxaa uu gababadii ku soo saaray ururka al-Shabaab Fatwa uu ku tilmaanatay in ururkaasi uu yahay mid xagjir ah oo diinta si khalad ah u adeegsanaya, isla markaasina ayna bannaanayn in la taageero, amma laga mid noqdo.

Shirweynahaasi oo ay ka soo qab galeen culumaa’udiin ka kala yimid dalka gudihiisa iyo dibadiisa, waxa looga hadlayay sida looga hortagi karo xagjirnimada iyo ku talaxtagga diinta, waxana bishan 7-dii furay Madaxweynaha DF Soomaaliya , Mudane Xassan Sheekh Maxamuud.

Qodobada Fatwadaasina waxa kale oo ka mid ah in lagu tilmaamay in Kooxda Alshabab ay tahay koox baadiyaysan, una taagan in ay baadiyeyso bulshada Soomaaliyeed. Iyo in manhajkoodu uu yahay mid Khatar ku ah jiritaanka islaamka gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed. Waxa kale oo Fatwadu ay intaasi ku dartay in dowladda Soomaaliyeed ay tahay dowlad muslim ah, iyo in aanay bannaanayn in lala dagaalamo. Sidoo kalena inay waajib tahay in xubnaha Alshabab loo gacan galiyo dowladda.

Dhinaca kalena, dowladda waxaa waajib ku ah ayay tidhi in shacabkooda ay ka badbaadiyaan dhibaatada ay ku heyso kooxda xagjirka ee Alshabab.

Fatwadu waxay ururka al-Shabaab ugu baaqday inay waajib ku tahay in ay Eebe u towbad keenaan, fekerkooda qalloocanna ka waantoobaan. Dhinaca kalena waxay dadweynaha ugu baaqday inay xaraan tahay in laga mid noqdo ururkaasi al-Shabaab, amma la taageero, amma la qariyo.

culumada9 culumada8 culumada08 culumada7 culumada07 culumada6 culumada06 culumada5 culumada05 culumada4 culumada04 culumada3 culumada03 culumada2 culumada02 culumada1 culumada01 culumada0 culumada

Idale News Muqdisho