Shir madaxeedkii 22aad ee Midowga Afrika oo Arbacada Addis Ababa ka furmaya – Beeraha iyo Cuntada Qaarada Afrika oo ah Ajandaha Madaxda AU

0
188

Shir madaxeedkii 22aad ee urur Midowga Africa (AU-Summit) ayaa maalinta Arbacada ee taariikhdu ku beegan tahay 29/01/2014 ka furmi doona magaalada Addis Ababa. Shirkan oo aalaaba ay isugu yimaadaan madaxda dalalka Africa ayaa sanadkan looga hadli doonaa Beeraha iyo isku filnaashaha cunada ee Qaarada Africa.

Waxaa maanta magaalada Addis Ababa ka furmay kulan kaas hordhac u ah oo ay ka qeyb galayaan wasiirada Arimaha Dibada ee dalalka Africa kaas oo aalaaba lagu sii gorfeeyo ajandayaasha ugu muhiimsan ee madaxdu kaga hadli doonta shirkooda.

Shir madaxeedka ayaa lagu wadaa in laba maalin uu socda kaas oo gabagabadiisa madaxdu kasoo saari doonto warmurtiyeed.

au-meeting

Idale News Online, Addis Ababa.