Shir Looga Hadlaayo Arimaha Soomaaliya oo ka Furmaya Roma

0
172

Rome(INO)-Dowladda talyaaniga ayaa sheegtay in ay maanta marti galin doonto shir loogaga hadlayo arimaha Federaalka Soomaaliya kaa oo ay ka qeyb gali doonaan xubno ka kala socda maamul goboleedyada dalka ka jira qaarkood.

News_live

Madaxweynaha Puntland C/wali Max’ed Cali Gaas iyo madaxweyne ku xigeenka Maamulka Jubbaland C/hi Shiikh Ismaaciil Fartaag ayaa lagu wadaa in u amba baxaan Magaalada Roma ee Caasimadda talyaaniga oo lagu qabanayo shirkaasi.

Shirkaani oo aanan la sheegin mudada uu socon doono ayaa kaliya la shaaciyey in maanta uu ka furmayo talyaaniga isla markaana ay ka qeyb gali doonaan mas’uuliyiin ka kala socoto dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xubno ka socdo maamulada Puntland iyo Jubbaland.

Waxaana la wada dhowrayaa qodobada kasoo baxa shirkaasi maanta ka furmayo talyaani ee loogaga hadlayo arimaha Federaalka Soomaaliya iyo halka uu marayo.

Shirkaani ayaa imaanaya xili dowladda Soomaaliya ay dhawaan sheegtay in ay meelo gaba-gabo ah uu marayo dhameystiridda maamul goboleedyada ku dhisan Federaalka ee hoos imaanaya dowladda Dhexe ee Soomaaliya.

Idale News Online, Garowe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here