Karaj(INO)-Diyaarad Militeri oo laga leeyahay dalka Pakistaan ayaa waxa ay kusoo dhacday deegaanka Gilgil ee waqooyiga dalkaasi Pakistan.
Diyaaradaasi ayaa waxaa saarnaa Danjirayaal iyo diplumaasiyiin u kala dhashay wadamo kala duwan kuwaasi oo u baxay indha indheynta Munaasabad lagu daahfuraayay Mashruuc ay laheyd dowlada Pakistaan.
Inta la xaqiijiyay ilaa Lix qof oo ay ku jiraan safiirada dawladaha Norway iyo Philippines ayaa ku dhintay kadib markii ay la burburtay mid ka mid ah diyaarada Ciidamada Pakistaan.
Dicitaanka Diyaarada kadib ayaa waxaa dhacdadaasi ka hadlay Afhayeenka Militariga Pakistan Asim Bajwa oo sheegay in safiirada wadamada Poland iyo Netherlands ay shilkaasi ku dhinteen.
Waxa uu sheegay in sidoo kale shilkaasi ay ku dhaawacmeen diplumaasiyiin la socday booqashada labadaasi Safiir.
Danjireyaasha dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay shilkaasi, ayaa ka mid ahaa saraakiil ka socday dawladda Pakistan iyo safiiro badan oo ka qayb galayay furitaanka Mashruuc laga hirgaliyay waqooyiga dalka Pakistan.
Dhanka kale, Nawaz Shariif oo ah R/wasaaraha dalkaasi ayaa ka tacsiyeeyay geerida Safiiradaasi, waxa uuna kamid ahaa Mas’uuliyiintii la soctay diyaarad labaad oo iyaduna kamid aheyd wafdiga la socday safiirada.
Idale News Online, Bakaraji