DEG DEG: Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Puntland Oo Lagu Diley Gaalkacyo

0
232

Galkacyo(INO)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in dabley hubeysan ay magaalada Gaalkacyo goor dhaw ku dileen Mudane ka tirsanaa baarlamaanka dawladda Puntland oo lagu magacaabi jiray Saciid Xuseen Nuur Dirir.

Xildhibaan Saciid Xuseen Nuur Dirir ayaa kamid ahaa mudanayaasha baarlamaanka ee Puntland, wuxuuna ku biiray sannadkii 2014-kii, isagoo horay u ahaa shaqsi si weyn looga yaqaanay guud ahaanba gobalka Mudug.

Dilkan ayaa loo adeegsaday qarax iyo rasaas sida ay xaqiijinayaan laamaha amaanka ee magaaladu, waxaana la dhintay Xildhibaankan mid kamid ah Ilaaladiisa, halka uu ka dhacay falkan ayaa ah Masaajidka Abu Hureyra oo kuyaala dhabarka dambe ee Shirkada Golis.

Kooxdii dilkan fulisay ayaa ka baxsaday goobta dilka ay ka geysteen, lama yaqaano cid ay ahaayeen sida ay xaqiijinayaan laamaha amaanka ee gobalka Mudug.

Ciidamada amaanka ayaa tagay goobtaas, waxaana ay wadaan howlgalo dadkii dilkan geystay lagu soo qabanayo.

Idale News Online, Galkacyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here