Shiine Macalin Nuurow &0dayaal kale oo Goordhow Ka Soo Baxay Baar-bakiin, Gaarayna Hotel Manchester Iyo Saxaafada oo Loo Diiday.

0
214

wararka hada naga soo gaarayo magaalada Baydhabo Janaay ayaa waxa ay sheegayaan in Xubno uu hogaaminayo Shiine Macalin Nuurow oo ahaa siyaasiga hor boodayey shirkii Baar-bakiin ay goordhow gaareen hotelka Manchester oo shir uga socda Gollaha Guurtida iyo Odayaal kasoo baxay Baar-bakiin.

Wariye-yaasheena ayaa kusoo waramaya in shirkaan loo diiday inay ka qeyb qaataan Saxaafada. Inkasta oo si rasmi ah aan loo ogeyn sababta ka danbeysa in saxaafada dibad joog laga dhigo ayaa hadana warar hoose oo ay heshay Idale News Online waxa ay iftiiminayaan in marka hore si hoos ah loo wada hadli doono.

Si kastaba shirkaan ayaa waxaa la filaayaa inuu wax badan ka bedeli doono siyaasada ku aadan dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.  waxa  jiro tuhun ah in doonayaa in ku biiraaan maamulka cusub ee lixda gobolja islamrkaan siyaasiyiintan lagu qanciyo  in ay ka mid noqodaan, golaha  wasiirada cusub ee dhawaan la filaaayo in la soo dhameystiro.

waxii faah faahin ah  waxaad kala socon doontaa wararkayaga dambe.

shiine-macalin-nuurow

Idale News Online Baydhaba.