Afhayeenka Guud ee Xarakada Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) oo shir jaraa’id u qabtay Warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyay Weerar Dagaalyahano Al-Shabaab katirsan xalay ku qaadeen Deegaano kuyaala Dalka Kenya.
Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in xalay Dagaalyahano katirsan Al-Shabaab ay weerareen Deegaano kuyaala Dalka Kenya gaar ahaan Jaziirada Lamu , waxa uuna sheegay in Weerarka hore uu ka dhacay Magaalada Hindi oo katirsan Gobolka Xeebta.
Afhayeenka Al-Shabaab ayaa sheegay in Magaalada Hindi ay ku dileen dad badan ayna sidoo kale baabi’iyeen hanti uu sheegay in ay lahaayeen dad cadow ah , waxa uuna intaa raaciyay in Weerarka Hindi kadib Dagaalyahanada Al-Shabaab in ay usii gudbeen ayna weerareeen sadax Tuulo oo ku dhawaa Magaalada Hindi halkaas ay sidoo kale ka geesteen Weerar qasaaro badan dhaliyay.
Sheekh Cali Dheere ayaa xusay in Weerarka ay xalay ku qaadeen Magaalada Hindi iyo Tuulooyinka hoostaga ay ku dieen dad kor u dhaafaya 30-qof ayna baabi’iyeen hanti aad u badan ay lahaayeen dad cadow ah .
Afhayeenka Al-Shabaab ayaa sheegay in mar kale xalay dagaalyahanadooda weerareen Deegaanka Gamba oo iska katirsa Dalka Kenya , waxa uuna tilmaamay in dagaalyahanada Al-Shabaab ay halkaasi kula kulmeen iska cabin kooban ay kala hor yimaadeen Ciidamada Kenya.
Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in Weerarka Gamba isna ay ku qaadeen in ay ku dileen in kabadan 10-qof oo isugu jira Ciidamo iyo dad kalae oo Kenya ah , waxa uuna intaa raaciyay in Xabsiyo ay dad ku xirnaayeen ay si xoog ah uga sii daayeen.
‘’ Waxaan rabnaa in aan dadka Muslimiinta ah kaga farxino dharbaaxyo xoog leh iyo xanuun badan uu ilaah gaarsiiyay cadowga ilaahey islama markaana ah cadawga Muslimiinta kuwaa oo ah nasaarada Kenya ee dulmiga iyo gardarada ku heysa umada Muslimiinta ah,waxaan rabaa shacabka Kenya in aan dareensiino dhibaatada Ciidamada Kenya ku hayaan Shacabka Musimiinta Kenya jooga iyo kuwa Jubooyinka iyo Gedo jooga, Kenya ha aragto barakaca iyo dagaalka dhibka uu leeyahay , ma suurtoobeyso in aad adinkana nabad gashaan dadka muslimiinta ahna aad leysaan oo gumeesataan , waan ku cel celinayaan ma nabad galeysaan inta aad dadka Muslimiinta ah dhibaateeneysaan ‘’ ayuu yiri Sheekh Cali Dheere
Hadalka Afhayeenka Al-Shabaab ayaa imaanaya Xili Dagaalyahano AL-Shababa katirsan ay xalay weerareen Deegaano katirsan Gobolka Xeebta ee Dalka Kenya halkaas ay ku dileen dad kor u dhaafaya 30-qof ayna xabsiyada ka daayeen Maxaabiis Ciidamada Kenya u xirneed.
Home Idale Somali News Update Sheekh Cali Dheere oo Faah faahiyay Weerar Qasaaro badan dhaliyay oo xalay...