Abuubakar Sharif loona yaqaano Sheekh Makaburi ayaa niman dabley ah maanta ku toogteen afaafka hore ee Maxkamada Shanzu Law Court oo uu markaas kasoo baxay.
Sheekha waxaa lala dilay qof kale oo aan magaciisa la shaacinin halka qof kale oo dhaawacmayna Isbitaal loola cararay.
Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in rag hubaysan oo baabuur saaran ay baabuurkii istaajiyeen maxkamada horteeda halkaasna ay ku sugayn inta Sheekha iyo raggi la socday ay maxkamada kasoo baxayaan.Markii ay furantay iridii maxkamada ayaa si toos ah loo toogtay Sheekha iyo sadaxdii ruux ee kale ee la socotay.
Dilka badheedhka ah ee Sheekha loogu gaystay maxkamada horteeda wali dowlada Kenya ma aysan ka hadal waxayna saxaafadu kusoo gaabsatay in Sheekha ay dileen dabley aan la garanaynin.
Dilka Sheekha ayaa kusoo aaday isagoo dowlada Kenya ku eedaysay inuu ka tirsan yahay Alshabaab waxaana usocotay dacwad maxkamadeed.