Shariif Xasan:kacdoon cusub uga furmay Muqdisho, looguna baaqay inuu is casilo

0
193

Idalenews:

Musuuliyiin  ka tirsan Golaha shacabka oo ka soo jeeda Koofur Galbeed ayaa ugu Shariif Xasan Sheekh Aadan inuu is casilo, oo uu xilka baneeyo.

Shir jaraa’id oo qaar ka mid ah Xildhibaanada ku qabteen magaalada Muqdisho ayay ku eedeeyeen Shariif Xasan waxqabad la’aan saddexdii sano ee uu xilka hayay, isla markaana danihiisa gaarka ah fushanayay.

Xildhibaan C/fataax Geesey ayaa sheegay in Shariif Xasan uu si iskiis ah heshiisyo shirkad gaar ah ula galay shirkado ay ka mid tahay DP World, waxaa uu xusay in illaa iyo hada uu magacaabi la’yahay Madaxweyne kuxigeen, isagoo tilmaamay in maamulada kale ay leeyihiin Madaxweyne kuxigeen

“Shariif Xasan waxaa leenahay hadii dadkaada ku kalsoon tahay doorasho xalaal ah gal”ayuu yiri Xildhibaan C/fataax Geesey.

Sidoo kale Xildhibaan Idiris Cabdi Dhaqtar ayaa sheegay in Shariif Xasan ay ugu baaqayaan inuu is casilo, maadaama uu ku fashilmay wixii loo igmaday, isla markaana maamulka Koofur Galbeed uu ka dhigay mid uu jeebka ku wato.

Baaqan ka soo yeeray Xildhibaanada Koofur Galbeed ee ka dhanka ah Madaxweyne Shariif Xasan ayaa ku soo beegmaya, iyadoo shalay Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle ay xilka ka qaadeen Madaxweynihii maamulkaas Cali C/llaahi Cosoble.