Muqdiho (INO) – Qaar kamid ah Xildhibaanada BFS, ayaa shaki galshay shaqooyinka ay ciidamada AMISOM kawadaan dalka Somalia, gaar ahaan gudaha iyo Gobolada dalka.
Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf oo kamid ah Xildhibaanada ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in ciidamada AMISOM aysan qaab sharci ah ku joogin Somalia, waxa uuna tilmaamay in joogitaankooda uu yahay mid lagu afduubanayo Qaranimada Somalia.
Xildhibaanka waxa uu sheegay in ciidamada AMISOM ay baal-mareen shuruucda dalka islamarkaana ay xiliyada qaar isku dayayaan in Dowlada qudheeda ay u taliyaan iskaba daaye inay sugaan amniga dalka.
Waxa uu sheegay in Dowlada Somalia ay ku taameyso in safka hore ay ka gasho ciidamada mideysan ee loo dhisaayo dalalka Bariga Africa kuwaasi oo uu sheegay in loogu tallo galay gurmadka.
Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf, ayaa sheegay inay kasoo horjeedan sharci la horkeenay Baarlamaanka oo la xiriira Ciidamo Gurmad ah oo ay yeelanayaan dalalka Bariga Africa waxa uuna cadeeyay in sharciga lagu dhisaayo ciidamada aysan ka bixikarin Somalia.
Xildhibaanka ayaa cuskaday in Somalia aysan haatan la itaal ahayn dalalka heshiiskaan ka qeyb galaya sidaa daraadeed ay sababi karto in mar weliba nalagu dul socdo maadaama amar iyo mudnaan aanan yeelan Karin, ayuu yiri.
Xildhibaanka ayaa sheegay in sababta sharciga loo meel-marin la’ yahay ay tahay in Somalia aysan ka bixi karin shuruudaha lagu mideynaayo ciidamada Gurmadka Africa.
Docda kale, Xildhibaanka ayaa cod dheer ku sheegay in Ciidamada AMISOM oo inta badan dalalka safka hore loo yaqaan ka socda ee iyagu dariska la ah Somalia ay si sharci darro ah dalka uga howlgalaan sida uu yiri.
Idale News Online, Muqdisho