Shan ruux oo lagu dilay Toogasho ka dhacday Iskuul ku yaal dalka Canada

0
166

Toronto(INO)— Shan qof ayaa lagu dilay toogasho ka dhacday Iskuul ku yaalla Gobolka Saskatchewan ee bartamaha dalka Canada, markii nin hubeysan uu weeraray.

Booliska ayaa sheegay in nin hubeysan uu dad ku dilay Iskuulka lagu magacaabo La Loche, waxaana markii dambe ninkaas lagu qabtay banaanka Iskuulka.

Wararka ayaa intaa ku daraya in saddex qof oo kale ay ku dhaawacmeen toogashada, iskuulada ku yaal gobolkaas ayaa durbadiida albaabada loo laabay.

Labo iskuul kale oo caruur dhiganayeen ayaa deg deg looga daad-gureeyay, maadaama laga cabsi qabo inay weeraro kale dhacaan.

Ra’iisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay weerarkaas, isagoo xusay in dhacdadan ay murugo ku reebtay waalidiinta.

Ma jirto cid sheegatay weerarkan, sidoo kale laguma tilmaamay inuu ahaa weerar argagixiso iyo in kale.

Toogashada noocaan oo kale aad ayay ugu yar tahay dalka Canada, maadaama hubka sharciyadiisa ay aad uga adag yihiin marka loo bar bar dhigo Mareykanka.

Idale News Online, Toronto

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here