Odayaasha & Bulshada kala gedisan ee ku dhaqan Degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan, ayaa amaanay Doorka Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ee ku aadan Gargaarka bini’aadanimo.
Shacabka Degmada ayaa Dibadbax ku sameeyay Wadooyinka iyagoo soo dhaweynayay furitaanka Wadooyinkii xirnaa & Raashiin Gargaar ah oo markii ugu horeysay oo lasoo gaarsiiyo tan iyo markii Kooxda Al shabaab laga saaray Degmada Bishii Maarso ee lasoo dhaafay.
Degmada Buulo Burde waxaa gaaray Labadii Maalmood ee lasoo dhaafay Baabuur sida Raashiin Gargaar ah oo gaaraya 280-Tone, kuwaasi oo dhanka Dhulka ah ay u mariyeen Ciidamada DFS & kuwa Jabuuti.
Gargaarka ayaa waxaa loogu talagalay 500 oo Qoys oo ku go’doonsanaa Degmada Buulo Burde, waxaana Gargaarkaasi Raashiinka ah ee uu soo dhiibay Madaxweyne Geelle la wareegay Wafdi ka socda DFS oo ku sugan degmada oo qiimeyn ku samaynaya Xaaladda Bini’aadanimo & tan Amaanka.
Wafdiga ku sugan Buulo Burde waxaa kamid ah Wasiirrka Diinta iyo Owqaafta, Ridwaan Xirsi Maxamed, wasiirka arrimaha dibadda , Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, danjiraha dowladda Jabuuti ee Soomaaliya, Dayib Dubad Rooble iyo mas’uuliyiin kale.
Idale News Online – Xafiiska Baydhabo.