Dawladda Maraykanka oo shaacisay Geeridii Amiirka Xarakada Al-shabab Axmed Cabdi Godane.

0
242

Dowlada Maraykanka ayaa shaacisay in hoogaamiyihi ururka Alshabaab Axmed Godane uu ku dhintay duqeeyn diyaaradaheedu ay ka geesteen deegaanka Sablaale ee gobolka shabeelaha hoose.

Saraakaal la hadlay saxaafada ayaa cadeeyay in Axmed Godane iyo saraakiil sar sare oo ka tirsan ururka Alshabaab ay ku dhinteen duqeyn diyaaradahooda aan duuliyaha lahayn ay ka geesteen deegaanka sablaale ee hoostagta gobolka Shabeelaha Hoose.

Waxaanu cadaynaynaa in Hogaamiyha Alshabaab uu ku dhintay duqeeyntii diyaardahenu ay ka geesteen gudaha Soomaaliya, gaar ahaan deegaanka Sablaale ee gobolka Shabeelaha Hoose. Ayuu yiri sarkaalkan u hadlay dawladda Maraykanka.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa iyana sheegay in hogaamiyaha ururka Alshabaab Axmed Cabdi Godane uu ku dhintay duqeyntii Maraykanku uu ka geetay deegaanka sablaale ee goobolka Shabeelaah hoose.

Dhimashada hogaamiyaha ururka Alshbaab ayaa unoqonaysa guul la taaban karo oo u usoo hoyatay dawladdaha daneeya arimaha Soomaaliya iyo Waliba dawladda federaalka ee Soomaaliya.

American-Flag

Idale News Online Baydhabo