Shacab iyo Kooxda Al-shabab oo Si Ba’an ugu dagaalamay Gobolka Hiiraan.

0
223

Maleeshiyada Al-shabaab iyo dad Shacab ah ayaa maanta ku dagaalamay Deegaan Duleedka ka ha Degmada Buulabarde ee Gobolka Hiiraan, oo lagu magacaabo Jameeco.

Teaser Image Shacab iyo Al-shabab Hiiraan ku dagaalamay

Dagaalka ayaa waxaa uu geeystay Dhimasho iyo Dhaawac soo kala gaaray Al-shabaab iyo Dadka Shacabkaa ee Maleeshiyaadka la dagaalamay.

Gudoomiyaha Degmada Buulabarde ee Gobolka Hiiraan  Maxamed Cismaan Weheliye oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Al-shabaab dagaalkaas lagu jabiyey oo Shacabka ay Guulo ka gaareen.

Waxaa uu intaa ku daray in ay Garab istaagayaan Shacabka la dagaalamay Al-shabaab oo ay ku dhiiri galinayaan sii wadida dagaalka ka dhankaa Al-shabaab.

Wararka ayaa sheegay in Deegaanka jameeco oo dagaalka uu ka dhacay ay hada ka jirto Xiisad dagaal oo laga dareemayo.

Deegaanka Jameeco ayaa Dagaalka ka dhacay waxaa uu noqonayaa kii Labadaad oo Al-shabaab iyo Dadka Shacabkaa halkaa ku dhexmara.

Idale News  Online – Xafiiska  Baydhabo Janaay.