Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa saaka la wareegay degmada Gamboole oo qiyaastii 50KM dhanka Galbeed ka xiga magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Sida ay wararku sheegayaan ciidamadan sida gaarka u tababaran ee loo yaqaano Danab ayaa saaka gudaha u galay degmadaas oo ka mid ah degmooyinka Al-shabaab ay gacanta ku hayaan, kaddib markii ay isaga baxeen dagaalamayaasha Al-Shabaab.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in aanay jirin wax dagaal ah oo ka dhacay deegaanka, iyadoo qeybaha kala duwan deegaankaas lagu arkayo ciidamo uu wajiga u xiran yahay.
Al-Shabaab ayaa ku lahaa degmadaa Gamboole saldhig iyo Maxkamad, waxaana halkaas looga yeeri jiray dadka isku heysta dacwadaha iyo sidoo kale Ganacsatada oo looga qaadayay lacagaha loogu yeero Zakawaadka.
Waxaa lagu waday in maanta degmada Gamboole ku kulmaan Ganacsatada Jowhar iyo Al-Shabaab oo la sheegay inay ku soo rogeen inay bixiyaan lacago canshuuro ah oo laga qaadayo shixnadaha ganacsi ee ay kala yimaadaan magaalada Muqdisho.
Lama oga in ciidamada ay ku sugnaanayaan deegaanka Gamboole iyo in kale, waxaana dhowr jeer jiray deegaano ay Ciidamada dowladda qabsadeen oo ay dib isaga soo baxeen