Kalfadhiga 3aad ee Baarlamaanka Labada Aqal ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa maanta lagu wadaa in si wadajir ah loo furo, kaddib muddo labo bilood oo ay fasax ku maqnaayeen.
Munaasabadda furitaanka ayaa waxaa lagu wadaa inay ka qeyb galaan wakiilo ka socda Beesha Caalamka, marti sharaf iyo qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada dowlad goboleedyada.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa khudbadda furitaanka ee dastuuriga ka jeedin doona munaasabadda Kalfadhiga 3aad ee Baarlamaanka labada Aqal.
Khubadda Madaxweynaha ka jeedinayo kalfadhiga ayaa si aad isha loogu hayaa, iyadoo laga sugayo inuu ka hadlo xaalada dalka, arrinta muranka ka taagan yahay ee Dekeda Berbera oo todobaadyo ka hor heshiis saddex geesood ay wada galeen shirkadda DP World, Itoobiya iyo Somaliland.
Munaasabadda maanta ayaa noqon doonta mid furitaan kaliya, oo ay khudbado ka jeedinayaan Madaxweynaha iyo Guddoonka Labada Aqal.
Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maalmo ka hor si wadajir ah ugu dhawaaqay in kalfadhiga 3aad uu furmayo 10-ka bishan oo ku beegan maanta oo Sabti ah, iyadoo loo saaray Guddi Xildhibaano labada dhinac ah oo ka shaqeeya munaasabadda furitaanka.
Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo qaban qaabada Munaasabadda Furitaanka si aad ah looga dareemayo magaalada.