Berdaale: Shabaab oo Dagaal xoogan kula jira ciidamada DF Somalia iyo kuwa AMISOM ayaa waxa ay bilaabeen in ay ka baxaan deegano ka tirsan Gobalka Bay iyo Bakool.
Sida la xaqiijiyay Shabaab ayaa waxa ay faarujiyeen tuulooyinkii ay kaga sugnaayeen Gobalka Bakool waxaana la sheegay in iminka ay isugu tageen magaalada Xudur oo magaalo madax u ah gobalkaas.
Sababta keentay in ay halkaas ka soo baxaan ayaa keentay ka dib markii ciidamo Itoobiyaan ah oo ka soo baxay Ceel Barde ay Howlgalo ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobalka Bakool waxaana la sheegay in Shabaab ay ka cabsadaan dagaal sidaasna ay halkaas uga baxeen.
Godoomiyaha degmada Berdaale Mr.Cara-case ayaa warhaahinta u sheegey in ay ka go’an tahay la wareegida guud ahaan degaamooyinka iyo deegaano ka kala tirsan Gobolkada Bay&Bakool oo ku yaalla KG soomaaliya.
Saraakiisha ciidamada DF Somalia ee howlgalkaas qeybta ka ahaa ayaa waxa ay sheegeen in intii ay Howlgalka wadeen aysan arak ciidamo ka tisan Shabaab iyaga oo sheegay xitaa in ay tageen meelo ay Shabaab ka talin jireen.
Sidoo kale Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in ay jiraan ciidamo kale oo Shabaab ka tirsan oo iyagana ka soo baxay fariisimo ay ku lahaayeen deegano ka tirsan Gobalka Bay waxa ay iyagan ku soo wajahan yihiin dhanka iyo Bakool sida la xaqiijiyay.
Idale News Online, Bardaale